Warka aan ka helayno Berbera ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen gadood xoogan oo ugu dambeyn keenay in xoogsato muruq maala oo ay keensadeen Carabta Imaaraadka la weeraro. Dadka magaalada oo bilaa shaqo ah ayaa haddana Carabta Imaaraadku keensatey Hindi sanam caabuda inay qaataan shaqooyonka ay qaban karaan.
“Waxa gadoodka keenay anagii oo bilaa shaqo ah ayaa shaqoyinkii aan qaban karney la siiyay Hindi iyo Bangladeeshi mana jirto cid noo hadasha oo u dooda xaquuqda aan leenahay ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo ka mida dadka wax ka sugayay inuu shaqo ka helo dekediisa.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 5 Hindi ah la weeraray lana dumiyay buulal ay ku jireen oo ay u dhiseen Carabta Imaaraadka.
Hindidan ayaa laga keenay Dubay waana kuwo sidii la doono loogu shaqaysto mana laha xaquuq ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.
Booliiska magaalada ayaa la sheegay inay qabteen dad lagu eedeeyay inay weerarka gaysteen. Mashruucan Carabta Imaaraadka ee Berbera ayaan ilaa hadda dadku waxba ka ogeyn waxa lagu heshiiyay.
Maxamed Yuusud
ARAABIBEWS