20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Galmudug oo beenisay in ay tageerayso Sucuudiga dagaalka afka ah ee uu kula jiro Qadar

Galmudug ayaa beenisay in ay tageerayso Sucuudiga dagaalka afka ah ee uu kula jiro Qadar. Maamul goboleedyada Shariif Xasan iyo Cabdiwelli Gaas ayaa iyagu la jirsadey Sucuudiga.



Lama sheegin in xaqal jeel lagu siiyay arintan taas oo aan meesha ka maqneyn. Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Maamulka Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa sheegay in warqadda lagu baahiyay baraha bulshada ay tahay been abuur islamarkaana uusan hadda jirin go’aan ka soo baxay maamulka Galmudug oo la xiriira arrinta Khaliifka Carabta.



Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa lagu sheegay in go’aanka dowladda dhexe ay qaadatay uu ahaa mid iyaga u gaar ah islamarkaana maamul Goboleedyada ku heshiiyeen in dib u eegis lagu sameeyo,laakiin waqtigii loo qabtay dib u eegistaas ay dhamaatay sidaasna uga baxay Maamulka Koofur Galbeed.



Maamul jufeedyada ayaan cagaweyn ku taagneyn waxayna ujeedaan tabardarida dawlada Muqdisho ku eg.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS