November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Galmudug oo gudbisey magacyada aqalka sare uga qaybgalaya iyo qabiilada

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa goor dhow soo gebagebeeyey doorashada xubnaha ku tartamayey sideeda xubnood ee maamulkaas uga mid noqonaya aqalka sare iyo Hawiye oo ku shubtey.

Kursiga Aqalka sare ee beesha Ceyr ayaa waxaa saaka ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi oo la tartameysay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud kaasoo markiii hore kursigan loo saadaalinayey, waxayna Jawaahir noqotay haweeneydii labaad ee Galmudug ku meteleysa aqalka sare.

Kursiga Beesha Mareexaan ee Aqalka sare ayaa isna ayaa waxaa loo doortay saaka C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horey u soo noqday raisul wasaare ku-xigeenka Somalia, isagoo ka guuleystay haweeney iyo nin la tartamayey oo lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed iyo Maxamed Samatar Duraan.

Sidoo kale, Abuukar Axmed Xaashi oo kasoo jeeda Beesha Dir -Surre -Subeys ayaa ku guuleystay kursiga Sideedaad aqalka sare ee Galmudug kaasoo ka guuleystay musharixii la tartamayey oo ahaa Macalin Cumar Sheekh Ciise .

Sideeda xubnood ee u soo baxay xubnaha aqalka sare ee Galmudug ayaa kala ah:-

1-Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Hawiye.
2-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Hawiye
3-Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag Dheer) Hawiye
4-Yuusuf Geelle Ugaas. (Ugaas dhagey) Hawiye
5-Zamzam Daahir Maxamuud -Abgaal -Hawiye
6-C/waaxid Cilmi Goonjeex Daarood -Mareexaan
7-Jawaahir Axmed Cilmi .Hawiye
8-Abuukar Axmed Xaashi. Dir -Surre

Hoos ka daawo sawirada

11111

Cabdi Xasan Cawaale( Qeybdiid)

qeybdiid-170x114

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)

dhag-dheer

Yuusuf Geelle Ugaas

geelle

Samsam Daahir Maxamuud

789

Jawaahir Axmed Cilmi.

jawaahir

Cabdiwaxaad Cilmi Goonjeex.

kkkk

abuukar[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS