November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Afhayeenka barlmaanka Galmudug

Galmudug oo iska fogeysay in kuraasta Aqalka sare dad gaara loo ooday

Iyadoo la filayo in horjoogaha Galmudug uu dhawaan ku dhawaaqo liistada xildhibaanada aqalka sare ayaa waxa jirey warar sheegaya in kuraastaas ay u xiran yihiin dhowr qabqable oo ayna jiri doonin isbeel dhaba.



Haddaba afhayeenka barlamaanka maamulkan magac ahaan u jira ayaa sheegay in ayna waxba ka jirin wararkaas oo kuraasta si xora loogu tartami doono. ”Ma jirto kuraas cid u xiran ayuu yiri Maxamed Nuur Gacal.



Qoor qoor ayaa la filayaa inuu saaxada siyaasada ka saaro qabqableyaal ay ka mid yihiin Cabdiqaybdiid iyo xaaraan cune Xaaf iyo kuwo kale oo haba yaraatee aan gobolka waxba ku soo kordhin inuu la degaan mooyee.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS