08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Galmudug oo sheegtay in dib loogu noqonayo heshiiskii Ahlusuna

Galmudug ayaa sheegtay in dib loogu noqonayo heshiiskii Ahlusuna. Ku xigeenka Xaaf ayaa sheegay in heshiisyo aan la fulin oo heshiiskii Jabuuti dib loogu noqonayo.

Waxa isa taraya cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah beelaha dega degaanada Galmudug waxana la isla loo qaaday in dib loogu laabto heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.




“Runtii waxaa jiray habraacii heshiiska Jabuuti oo ka koobnaa 14 qodob sidii loo dhaqan gelin lahaa iyo habkii loo maray in dad badan oo reer Galmudug ah ay cabasho ka muujiyeen, Odayaasha waxay ka cabanayaan in lagu xad gudbay awood qeybsiga Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS