X

Ganacsatada jaadka ee Kiiniya oo fursad ku soo tuurey xagga Somaliya

Ganacsatada Kiiniya ayaa fursad jaad-joojina u soo tuurey dhinaca Somaliya kadib markii ay ku hanjabeen inay joojin doonaan jaadka ay u soo diraan Koofurta iyo Bariga Somaliya oo bishii ku kaca malaayiin doolar oo dalku u baahnaa. Nin u hadley ganacsatada ayaa sheegay in qaranimada Kiiniya ka weyntahay iibgeynta jaadka.


Wuxuu sheegay in Somaliya markasta ku hanjabto inay joojinayso qaadka oo hadda diyaar u yihiin inau joojiyaan qaadka tagaya Somaliya.

Fursad weyn ayaa halkaa uga soo baxay Somaliya oo qaadkaas ka soo iibsan karta dhinaca Itoobiya inta ganacsatada Somalidu helayaan wax ay ku bedeshaan iibsiga jaadka, oo lagu beero dalkeena inkastoo Koofurta iyo Bariga laga cuno kan Kiiniya.


“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yiri mr Kimathi Munjuri


Soomaaliya waa Suuqa jaadka kaliya ee ay hadda haysato Kiiniya, waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalkii Yurub sida Ingiriiska, Ustaraaliya iyo kuwo kale ay joojiyen keenista jaadka ayagoo been ka sheegaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


i

admin:

This website uses cookies.