X

Dawlada Somaliya oo lagu canaantey jawaab diciifa oo ay u dirtey Kiiniya

Dawlada Somaliya ayaa aad lagu canaabteu jawaab qabow oo diciifa oo ay ka bixisay cayrintii safiirkeeda u joogey Kiiniya oo weliba si anshaxa xiriir ka baxsan baraha bulshada lagu faahfaahiyay sida loo soo eryay. Somaliya ayaa jawaabteedu ahayd mid is difaac u badan laakiin ayna xooga saarin inay Kiiniya xanuujiso.


Kiiniya ayaa taageerayaal ka haysata Jubooyinka qaasatan maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe ayadoo dalka ku soo gashay si sharci daro ah inkastoo markii dambe ay xalaashatey ama loo xalaaleeyay.

Kiiniya ayaa isku halayn ka qabta in Maraykanku difaaco haddii colaad dhexmarto iyaga iyo dalkeena aan awood badan lahayn laakiin haddana hilfaha u qaadi kara Kiiniya dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba.


Xildhibaanada barlamaanka Somaliya qaar ayaa iyagu qaba in Kiiniya la siinin jawaab ku haboon oo qaran bixin karo ee ay ahayd awood malihiye waxaad doonto samee.

Ma jeclaysan jawaabta laakiin Kiiniya isku halayn ayay qabtaa waana waxa ku kalifay inay safiirkeena soo erido sidaana inoola dhaqanto ayuu yiri Xuseen Cali oo jooga Muqdisho


Si kastaba ha ahaatee waxa la fiirin doonaa ficilada Kiiniya ku dhaqanto maalmaha soo socda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.