X

Ganacsatada ka faaiideysata hargabka oo digniin loo direy

Xilli laga baqayo in dalka ay soo foodsaarto cunto yaraan maadaama lagu noolyahay markabka yimaada ayaa dawlada sii xoogeysanaysa ee magaalada Muqdisho ay digniin u dirtey kuwo isku dayaya inay faaiido ka helaan dhibka jira.


Laakiin Cali Calasow oo Muqdisho jooga ayaa qaba in ayna ganacsatada ahayn waxa cunto yarida keenay ee ay tahay burburka iyo dalka oo aan soo saarin cunto ku filan.

” Dalku wuxuu dhaqaalaha soo gala geliyaa sidii amniga loo sugi lahaa, waxana meesha ka baxaya adegyadii kale oo dhan iyo dadka oo aan laga qaadin cashuurta ku waajibta ayuu raaciyay.


Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga digay ganacsatada in qiimo sare ay iibiyaan Qalabka looga Gaashaanto Faafida Cudurka Caronavirus.


Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in ay  faa’iido ka raadinayaan saameynta cudurkaasi ku yeelan doono dhaqaalaha dalka. Wadamada aduunka ee waaweyn ayaa laftoodu ka baqaya inay cunto yaraan la soo deristo.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan la garanayn talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay.

Shaqaalaha dawlada

Waxa dhinaca kale la fasaxay shaqaalaha dawlada aan ka ahayn agaasimeyaasha laga bilaabo maanta oo Khamiisa si looga hortago in cudurka hargabka Shiinaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.