11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Garabkii Cali Khaliif ee Khaatumo oo isku dhiibey Somaliland iyo war qoraala oo ay soo wada saareen

Garabkii Cali Khaliif ee Khaatumo oo isku dhiibey Somaliland iyo war qoraala oo ay soo wada saareen. Garabkan oo baryahan ku sugnaa Hargeysa ayaa warqad wada saxiixey wasiir ka tirsan maamulka Somaliland.



Qodobada Heshiiska ayaa Labadan dhinac waxay haatan ku kala saxiixdeen Hotelka Ambasador ee Hargeysa waxaana ay kala yihiin:



  1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
  3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka.
  4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay



Heshiiskana waxa si wada jir ah u saxeexay Gudoomiyaha guddida wada hadalka khaatumo ee somaliland Dr. Sacad Cali Shire ahna wasiirka arimaha dibada somaliland iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS