Kadib markii Somalida iyo caalamkuba daawadey gabadh 16 jira oo si xun loo faraxumeeyay ayaa cadhada Somalidu aad u kacdey iyadoo warar sheegayaan in odayo rabaan in ay sheekada galaan.
Waxa baraha bulshada dadka Somalidu ku muujiyeen sida ay uga cadhoodeen gabadhaas sida xun loo faraxumeeyay oo uu ku jiro wiil ay walaalo yihiin xildhibaan hore oo Somaliyed.
Hadaba waxa xoog loo bilaabay olole xoogan oo lagu caawinayo gabadhaas iyo wacyigelin loo sameeyo iyada. Waxa Somalidu badankeedu qabaan in wiilashaas ciqaab ayna ka soo kabsan lagu sameeyo.
Ciqaabtaas oo tusaale u noqota kuwa dambe ee sidaas sameeya. Dhalintan ayay iyaga ka ahayd ciyaar waxase la rajaynayaa in ciqaab adag dhabarka loo geliyo.
Goobta falkan ka dhacay ayaa ka tirsan Puntland oo ah maamul goboleed ayna ka jirin awood xoogleh oo fulin karta ciqaabaha kana adkaan karta oday qabiilada.
Dulmiga loo gaysto gabdhaha Somaliyeed ayaa inta badan waxa lacag ku qaata odayaal aan haba yaraatee gaadhsiin gabadha falkaas loo gaystey iskagana bixiya daymo lagu lahaa.
Cabdinuur Jaamac ayaa qaba in xeerka noocaasa laga takhaluso.
Fadlan ka qayb qaado meelkasta oo gargaar loogu ururinayo gabadhaas. Sawirka hoose waa qayb ka mida ololaha loogu gargaarayo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS