X

Garyaqaan sheegay in Muuse Biixi sharciga yaala ku tuntey xariga xildhibaan Dhakool oo reer Soola

Waxa xalay booliiska magaalada Hargeysa sheegeen inay xabsiga u taxaabeen xildhibaan Dhakool oo isagu sheegay in maalinta 18 May ay SNM gaar u tahay oo dadkale aanu quseyn. Waxase hadalkaa ka xanaaqay Muuse Biixi oo dalbadey in deg deg jeelka loogu tuuro xildhiban Dhakool.


Garyaqaanka ayaa sheegay in hadba yaraatee Muuse Biixi ku tuntey sharciga u yaala maamulka. ā€¯Horaa sharciga loogu tuman jirey laakiin tani waa ka darow.

Waxa arintan iyaguna ka xanaaqi doona taageereyaasha maamulka Somaliland ee caalamka sida Ingiriiska oo ilaa hadda yaaban maadaama Muuse Biixi isagu qofkii hadlaba jeelka ku tuuro.

Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga ayaa isaguna qaba in halka xildhibaan Dhakool taabtey ay aad noogu weyntahay Isaaq ahaan laakiin tan xariga uu xildhibaanku la mid yahay dadkaa Muuse Biixi sharci darada kuwada xirey. Ma Jiro sharci ee waxa shaqeeya war naga sii daa.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.