X

Maraykanku kuma dhaco inuu weerar nagu soo qaado: Iiraan

Ayadoo baryahan ay jirtey in xagjir Taram uu sheegay inuu Markab dagaal u direy badda Iiraan iyo weliba diyaaradaha isqariya ee dagaalka oo lagu arkey Qadar, ayaa Iiraan jawaab kulul ka bixisay. ”Maraykanku ukuma dhaco inuu na soo weeraro waxaa aad u jeedaana waa afka baarkiis. Xagjir Taram ayaa ka baxay heshiiskii uu Obaama la galay Iiraan ee dhimista hubka Nukliyeerka.


Iiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqdey inay yaraysay qayb ka mida heshiiskaas maadaama cunaqabatayn uu saaray xagjir Taram si ay u buuxiso qaybtaas ay ku lumisay cubnaqataynta.

Wadamadii Yurub ee iyagu kula jiray heshiiska ayaa sheegay in Iiraan sideeda u fuliso heshiiska oo iyagu ay u fur doonaan heshiis gaar u ah inkastoo taasi wellio dhicin.


Wadamada Iiraan taageera ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa iyagu sheegay inay ka wada hadli doonaan hanjabaada Maraykanku ku hayo Iiraan. Afhayeen u hadley ciidamada difaaca Jamhuuriyada Iiraan ayaa sheegay in markabka xagjir Taram soo direy ay ku filan hal gantaal. ”Balaayiin doolar ayaa kaga baxay waxase ku filan hal gantaal oo aan ku dhifano markabkaas dagaal ee diyaaraduhu fuushan yihiin ayuu yiri Aayatullah Yuusuf.


Iiraan ayaa hore u qarxisay Markab noocaasa oo iyadu samaysay waxayna u egyihiin kuwa si fiican ugu diyaara haddii markabkaas soo galo biyaha Iiraan. Waxa kale oo Ruushku siiyay gantaalaha S-300 oo waxba la’an ka dhigaya weerar cirka ah. Iiraan aya ka mida wadamada Muslimka ah ee cadowgooda u diyaar garooba ee aan is dhiibin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.