X

Gawaari xamuula oo lagu qabtey Cadaado iyo waxa loo shikiyay: SAWIRO

Gawaari xamuula ayaa lagu qabtey Cadaado iyo waxa loo shikiyay. Gawaaridan oo gaaraya lix ayaa lagu joojiyay bar xanibaad oo ku taal meel laga soo galo magaalada. Waxana lagu bilaabry baaritaan.


Waxa gawaaridaan qabtey ciidan booliis ah iyo dhalinyaro abaabulan. Warar leysla dhexmaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaadiidkaas looga shakiyay inay wadaan Hub ku socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.


Gawaaridan oo ka yimi Gaalkacyo ayaa aad looga hadal haaa magaalada. Waxa jira xiisad siyaasadeed sidii xukunka looga tuurey Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb.

Waxa la sheegayaa in Xaaf rabo inuu xukunka xoog ku soo cesado oo uu weeraro xarunta barlamaanka Galmudug e Cadaado iyo madaxwrynaha Galmudug Axmed Baasto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.