Wasiirka koowaad ee Giriiga iyo dawladiisa ayaa ka cadhoodey hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Turkiga Erdogan. Madaxweyne Erdogan ayaa ka hadlay xadka u dhexeeya Giriiga iyo Turkiga. Waxa hadalka Erdogan sidoo kale ka cadhoodey mucaaradka dalkaasi.
Erdogan oo ka hadlayay xadka badda ee labada dal ayaa guuldaro ku tilmaamay heshiis dhexmaray reer Galbeedka iyo Turkiga xilli reer galbeedku weerar ku soo qaadeen xukunkii Cusmaaniyiinta, heshiiskaas oo lagu magacaabo Lusaana.
Heshiiska Lusaana ayaa xadka Giriiga keenay meel aan ka fogeyn Turkiga inta badana siiyay jasiirado yaryar oo ku dhow Turkiga. Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay heshiiskaas ayaa ku tilmaamey guuldaro.
Wuxuuna sheegay in dadka badankiisu qabaan mid guul inuu ahaa laakiin buu yiri waa heshiis dhulkii Turkiga siiyay Giriiga oo hadaad qaylido lagu maqlayo. Raiisal wasaaraha Giriiga iyo dawladiisa oo ka hadlay hadalka Erdogan ayaa ku sheegay mid aan la aqbali Karin.
Erdogan ayaan awood u lahayn in uu qabsado dhul kale maadaama reer galbeedku difaaci doonaan Giriiga haddiiba ay dhacdo. Waxase aad is waydiin kartaa waxa ku kalifaya hadalo noocaasa xilli uu go’doon ku jiro.
Heshiiskaas dhacay sanadii 1923 ayaa kadib waxa dhalatey jamhuuriyada Turkiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![1475245904554[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/09/14752459045541-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay