12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Giriiga oo u dareeray in ay u codeeyaan amarada lacag daymiyaasha iyo inkale iyo codka Maya oo guusha filaya: WARBIXIN

Athens–Dadweynaha Giriiga oo dalkoodu qarka u saaran yahay in uu kaco ayaa u dareeray in ay taageeraan dawladooda oo diidey amaro uga yimi lacag daymiyaasha oo ku amraya in ay joojiyaan lacago badan oo dadka masaakiinta la siiyo. Dawlada oo lagu doortey in ay joojiso gumeysiga lacag daymiyaasha ayaa soo celisey adeegyo farabadan oo laga joojiyay masaakiinta isla markaana siisey dadkeeda fursad ay ku yeelaan amaradaasi iyo mid ay ku diidaan.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa leh waxay u badan tahay in dadka badankoodu la saftaan dawladooda iyo sida ay u wado wadahadalada ay kula jirto lacag daymiyaasha,,codkooduna noqdo MAYA.

Doorashada maanta ayaa waxa diidan lacag daymiyaasha oo leh Giriigu waa inuu aqbalaa sidaan rabno haddii kale ha xidhaan bangiyadooda waayo lacag ku shubi mayno waanan ka xireynaa xiriirka Yurubta kale.

Dawlada ayaa ku tilmaantey hadalada lacag daymiyaasha ”argagixiso” ay ka cabsiinayaan dadka si ay isku dhiibaan ”waanan diidney ismana dhiibeyno ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda.

Giriiga oo baxa Yurub ayaa waxa ugu jirta faaiido weyn iyadoo ay dhici karto in uu soo jiito maalgeshi aad u farabadan isagoo samaysanaya lacag u gooniya halka dhinaca kale ay waayi doonaan suuq weyn oo aad wax loo kala iibsado. Waxa dhici kara doorashada kadib ayaan la saadaalin karo reer Yurubse ma rabaan in ay kala baxaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM