04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Go’aan diidmo ah oo laga soo saaray maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur

Go’aan diidmo ah ayaa laga soo saaray maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur oo saaka la hor keenay maxkamada ayado dad badan ay qabeen in la sharciyeenaayo sii deyntiisa.



Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn C/raxmaan C/shakuur, markii horena aanan lagu soo xirin waaran Maxkamadeed.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xasan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.



Lama garan karo sida kiiskan ku dhamaan doono waxase muuqata in goobta ayna ka jirin maxkamad muuqata. C/raxmaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maxkamada qaybteedii hore dhamaatey ee hadda uu sugayo qaybta labaad.

Wuxuu codsaday in amniga la ilaaliyo xildhibaanaduna sharciga dhowraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS