Gobolka Washington ayaa ku biirey diidmada xanibaada Trump uu ku soo rogey wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya. Waxa hore diidmada ugu biirey gobolka Hawaii. Washington ayaa noqonaya hobolkii labaad.
Xanibaada cusub ee Trump ayaa ah mid lagu koobey dadka cusub ee soo galaya wadanka oo u badan qoxooti mudooyin sugayay in loo wareejo dalkaasi Maraykanka iyo dadka cusub ee la siinayo dalku-galka dalkaasi.
Cunsuri Trump ayaa u muuqda in amarkiisu socon waayay isagoo abaarey wadamada diciifka ah ee dawladiisu qayb ka tahay burburkooda sida Siiriya.
Gobolada ilaa hadda bilaabey diidmada ayaa gaaraya 4 gobol oo ay ku jirto gobolka Somalidu ku badan tahay ee Minasoota iyo Oregon ayagoo ku doodaya in diidmadii hore welli taagan tahay oo Trump soo saari karin xanibaad kale.
Waxase la sugaa sida xaakinadu ula qaataan xili dadka badankoodu leeyihiin hala iska sugo inta sadexda bilood dhamaanayso oo Trump ka dhiganayo in uu fuliyay balanqaad doorasho.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay