X

Golaha wasiirada oo ansixiyay miisaaniyad korodhey maxaase lagu qaban doonaa

Golaha wasiirada dawlada dhexe ayaa ansixiyay miisaaniyad ka badan kuwii la ansixin jirey maamuladii ka horeeyay iyo weliba bilowgii dawladan Farmaajo ee xilligeedii soo dhawyahay. Golaha wasiirada ayaa ansixiyay miisaayad gaaraysa 671 milyan, waxayna ku siqeysaa hal bilyan marki ugu horeysay burburka kadib.


Inkastoo lacagta dawladu ku xisaabsanto ka timaado Muqdisho iyo gobolada u dhow, waxa lagu canaantaa dawladan inayna gudaha u gelin dalka intiisa kale oo lacagta badankeeda laga sugayo dhiigmiiratada shisheeyaha.

Wadamada kaba miisaaniyada dalka waxa ku jira Turkiga iyo Qadar oo ah kuwa kugu badan halka markii hore waxaagaa ay soo tuuri jireen dalalka kale oo Carbeed iyo kooxda midowga Yurub.

Haddaba sidee loo qaybiyay miisaaniyada sanadkan 2021


Lacagta dhan 671 milyan oo doolarka Maraykanka boqolkiiba 70 waxay ka imaanaysaa dibedda waxana loo yaqaan kabida miisaaniyada waana isku geyn 240 milyan oo doolar, halka inta kale ka soo baxayso gudaha dalka sida madaarka iyo dekeda.

Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegata in baada argagixisadu Xamar ka qaado inay gaarayso 11 milyan bishii.

Halkee lagu bixinayaa lacagtaas korodhey


Waxaad ku qosleysaa marka laga tago wadooyin la dhisayo, caafimaadka, fatahaadaha, cadaalada aan jirin, waxbarashada tayada soo yeelaysa, in lacag lagu khasaarinayo waxa loo yeeray dastuurka hadda yaala ee gaaladu noo keentay.

Si kastaba ha ahaatee waxa hambalyoaan badneyn loo dirayaa dawlada oo ugu yaraan sii kordhisay miisaaniyada mudadii ay joogtey xukunka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.