X

Wahaabiyada Sucuudiga oo ka gudbeysa nidaamka adoonsiga ee shaqaalaynta iyo Itoobiyaan gubey

Wahaabiyada Sucuudiga iyo Carabta ku wareegsan ayaa ku dhaqma nidaamka adoonsiga ee ay u yaqaanaan Kafaala kaas oo qofku u shaqaynayo qoys ama shirkad kadibna sidii la doono laga yeelo ayadoo laga qaadayo baasaboorkiisa.


Nidaamka Kafaala oo Qadar sheegtay inay ka gudbeyso ayaa waxa welli ku sii hadhay Carabta kale ee ku wareegsan. Waxa isbedelkan weyn wada amiirka da’da yar ee Sucuudiga oo haweenka siiyay xoriyado diintu u ogoshahay laakiin nidaamka wahaabiga ka qaaday.

”Waxa sharciga cusub faaiido weyn u yahay dadka ajaaniibta yaryar ee u xoogsi taga halkaas kuwaas oo haba yaraatee aan hayn wax xuquuqa aan ka ahayn in la kufsado kadibna dibedda loo tuuro.


”Aakhirka waxa wahaabiyada Sacuudigu yeelan doontaa nidaam shaqaalaynsiin oo u dhaxaysa heshiis ay wada galaan qofka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha oo kidkoodna ka gudbi karin oo ah sida diinteenu inoo dejisay ayuu yirti Xuseen Warsame.

Tani waxay ka dhigan tahay marka qofku dal-kugal ku tago Sacuudiga waxa dal-kugalkiisa ku qornaan doona dalxiise ama shaqo raadsade ama wuxuu u tagayaa shaqo loo qaatey, wuxuuna u shaqayn doonaa shirkada si xora markuu doonana waa ka tagi karaa, isagoo raacaya nidaamka sharci ee uu saxiixay.

Dhinaca kale Sacuudiga ayaa sheegay inay qabtaan sadex Itoobiyaana oo dab qabadsiiyay dhul dhan oo geedo ka baxaan kadib sida la sheegay in la siin waayay xuquuqdoodii halka Sacuudigu leeyahay iyagaa is khilaafay. (sawirka sare)

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.