X

Golaha wasiirada oo dib u magacaabay xubno hore xilal u soo hayay

Golaha wasiirada ayaa dib u magacaabay xubno hore xilal u soo hayay. Xilalka banaanaa ayaa kala ahaa nabasugida, asluubta iyo booliiska.



Xilalkaan labada taliye oo banaanaa mudo Saddex Bilood ah ayaa ugu dambeyn Maanta la Magacaabay halka Taliyaha Asluubta dib loogu soo celiyay taliyihii hore oo xilkas horay u soo qabtay



Taliyaha Nabad-Sugida ayaa waxaa loo Magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka  halka Taliyaha Booliska loo Magacaabay Bashiir Axmed Maxamed,Sidoo kale taliyaha Asluubta ayaa waxaa loo Magacaabay Sareeye guuto Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay u ahaa lataliyaha dhanka ciidamada ee Madaxweynaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.