X

Goob farxadi Ka socotey oo murugo isku bedeshay Muqdisho

Goob ay Ka socotey xaflad aroos oo dadku aad u faraxsanaayeen ayaa halmar isku bedeshay murugo kadib markii dhismaha uu ku diley. Arooskan oo Ka socdey dhismayaasha qadiimka ah ee Muqdisho ayaa dadka joogeyna aad uga badnaayeen.


Saqafka ayaa nala dumey ayay yiri gabadh wada boodha oo ku dhaawacantey dhismaha qadiimka ah ee u baahan in la dumiyo.

Tirada dhaawaca ayaa lagu qiyaasay ilaa 20 qof oo u badnaa qoyska gabadha. Waxa goobta oo ah xaafada Boondheere soo gaadhey gawaadhida gurmadka oo daad gureeyay Dadkii dhaawacmey.


Waxa hore looga dhigey dhismayaasha duuga ah ee Muqdisho oo inta badan aan helin dayactirka ay u baahan ama on la dumiyo dhamaantoodba. Waxa guryaha ku jira dad masaakiina.

Lama sheegin wax dhimasho ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.