X

Gooni goosadka Taywaan oo xafiis ka furatay Hargeysa sheegayna cida dabada ka riixaysa

Gooni goosadka Taywaan ayaa xafiis ka furatay magaalada Hargeysa. Wakiilka u joogi doona Hargeysa ayaa qarxiyay in Maraykanku dabada ka riixayo. ‘Cidna kama qarsoona cida Tatywan wadata oo gorgortan kula jirta dawlada Somaliya ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waxa bilihii ugu dambeeyay si toosa u soo farogeliyay arimaha Somaliya dawlada Maraykanka oo ka biyo diidan horumarka dalku ku socdo, waxayna dareemeen inayna waxba ku lahayn kheyraadka dalka.

Gooni goosadka Taywaan oo aan aqoon Woqooyiga Somaliya ayaa keliya maqlay markii dawlada Maraykanku u sharaxdey sheekada jirta iyo taag darida dawlada Somaliya.


‘Ujeedada ugu weyn ayaa ah inuu Shiinaha kula tartanto badda Somaliya iyo kheyraadka dalka, iskuna dayo inuu xanibo saldhiga Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti.

Maraykanka ayaa aad uga carooday kaluumaysiga la siiyay shirkado Shiine ah, waxay dhinaca kale waayeen eexasho ay ka filayeen dawlada Somaliya ee hadda jirta, waxana u raacday xiriirka Jabuuti.



Gooni goosadka Taywaan ayaa wax weyn ka qaban karin ama maalgeshi weyn  ka samayn karin gobolka oo ayna ka jirin xasilooni siyaasadeed. Waxana dawlada Somaliya ku niyad samaan doontaa ayadoo dawlada Shiinuhu garab taagan tahay.

Taywaan ayaa waxa djhici karta in Maraykanku u sheego mustaqbalka inay ictiraafaan maamulka Somalilaan oo aan haysan taageerada dadka ku nool Hargeysa iyo Burco.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.