X

Goorma ayay bilaabmeysaa bisha barakaysan ee Ramadaan

Bisha barakaysan ee Ramadan ayaa waxba inaga xigin laakiin waxa is weydiinleh goorma ayay bilaabmi doontaa. Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa sida kaliya ee lagu xaqiijin karo ayaa ah in la arko kadibna loo gudbiyo dawlada markaas jirta.


Bisha Shacbaan ayaa maanta ah 28 waxayna ku dhamaan doontaa 30 ama 29 haddii markaas la arko dayaxa. Bilaha muslimka ee saxda ah waa 30 halka kuwa bugta ah ee gaalada ee nasiib daro aan isticmaalo ay nala galaan dhaqano iyo magacyo aynaan garanayn oo intooda badan ka yimi sanamyada iyo xilliyada ay caabudi jireen.


Haddii bisha Shacbaan ku dhamaato 29 wax bisha Ramadaan bila doontaa maalinta Axadda ee bishu tahay 5 bishan Shanaad, haddii kale waxaan muran ku jirin in Isniintu noqon doonto maalinta koiwaad ee bisha barakaysan ee Ramadan.


Culimada xidigaha ee Muslimka ah ayaa qaba in bisha ay adagtahay in laga arko wadamada Eeshiya iyo Afrika habeenimada Sabtida ee bishu tahay 5-ta, oo ay markaa noqon doonto maalinta Isniinta ee Lixda bisha maalinta koowaad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.