08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Goormaa la caleemo saarayaa madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortey usbuucii hore waxana ka socda Muqdisho diyaarinta caleemo saarka madaxweynaha oo hadda loo saaray guddi diyaarisa sida wararka aan ku helayno.



Guddi arrintan loo saaray ayaa wada diyaarinta xaflada iyo xil wareejinta waxaana la ogaaday in Arbacadda loo qorsheeyay in la qabto, iyadoo lagu casuumay mas’uuliyiin madax caalami ah.



Guddigan oo uu hormuud u yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wada qabanqaabada xafladda xil wareejinta, waxaana isla maalintaas lagu wadaa inuu Madaxwene Farmaajo u guuro Villa Somalia.



Farmaajo oo lagu dhaariyay isla fadhigii baarlamaanka ee lagu doortay ayaa hadda fariisin ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqidsho oo si kumeelgaar ah uu ugu shaqeeyo, kaasoo culeys weyn ku keentay Hotelka gaarka loo leeyahay.

Ilaa hadda kama soo bixin war la hubo oo la isku halayn karo xilliga dhabta ah ee at guddigan qorsheysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS