X

Dunidu shan keliya maaha: Erduqaan oo Afrika u sheegay

ERDUQAAN

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ganacsi uga bilaabantey Afrikada galbeed ayaa barlamaanka Angoola u sheegay in dunnidu ahayn keliya shanta leh codka diidmada ee Qaramada Midoobey.


”Dalalkii guulaystey dagaalkii labaad ee adduunka ayaa haddana sameeyay Qaramada Midoobey kadibna isla iyagii ayaa haddaan leh codka diidmada laakiin dunnidu iyaga keliya maaha ayuu yiri Erduqaan.


Safarkan ganacsi ayaa Erduqaan ku mari doonaa dalalka Nayjeeriya, Togo iyo Koofur Afrika. Erduqaan ayaa ka codsanaya dalalkaas inay ka iibsadaan diyaaradaha aan la wadin iyo gawaadhida gaashaaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.