Gudigan doorasho ayaa imanaya xilli Axmed Madoobe diidey inuu wax ka maqlo mushariciinta iyo weliba wasaarada arimaha gudaha oo iyadu ah inay hogaamiso doorashooyinka noocana xalaalna ka dhigto.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee musharixiinta Golaha badbaada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Guddi doorasho oo ka kooban 11 Xubnood, kaas oo guddoomiye looga dhigay Axmed Aabi Aadan oo mar soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa Meesha ka baxay odayadii saxda ah ee xuley xildhibaanada waxana lagu bedelay kuwo Axmed Madoobe iyo Kiiniya wadato, waana ta keentay in la sameeyo gudigan madaxa banaan.
Hoolka doorashada ayaa waxa gacanta ku haya ciidamo ka socdo Itoobiya halka kuwa Kiiniya dibedda joogaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay