Guddi loo saaray gabadhii sida foosha xun loogu kufsaday Galdogob ayaa war ka soo saaray iyadoo gabadhaas hooyadeed dalbatey in diinta lagu xukumo.
Odayaal ayaa rabay in ay arinta geliyaan cagta hoosteeda lacagna lagaga cuno.
Guddigan Culumada ah ayaa u yeeray dhinacyada howshan ay khuseysay iyo Odayaasha Beesha Leelkase oo ay ka codsadeen in ay labo arrimood sameeyaan, in la keeno awooda fulinta xukumada la gaarayo iyo halka lagu fulinayo.
Talaabadaas ayaa keentay in ay Waxgaradka Beesha Leelkase ay markale ciidamo dhexdooda ah iska aruuriyaan, una diyaar garoobaan fulinta xukunkan oo ay garwadeen ka yihiin culumada Diinta.
Guddiga Culumadu waxay kaloo soo jeediyeen sida ay wararku sheegayaan in haddii loo baahan yahay awood dheeraad ah la raadsado, taas oo ay iyana ay maanta ka tashan doonaan.
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha ayaa markale maanta shir gaar ah yeelan doona, kaas oo ay ka soo bixi doonaan go’aamo xasaasi ah o ay ka mid yihiin sida loo fulinayo xukunkan oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.
Saxardiid Cabdullaahi oo dhalay Ridwaan Saxardiid oo ah gabdha baraha bulshada Sawiradeeda lagu shaaciyey, ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka helaan Cadaaladda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay