10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Guddiga khilaafaadka oo degdeg u amray in xildhibaanada dhan la dhaariyo

Guddiga khilaafaadka doorashooyinka ayaa aqlabiyad cad ku soo saaray inaan la daahin karin xildhibaano si sharciya ku soo baxay si degdegana loo dhaariyo. Waxayna amreen Rooble Baahane iyo kooxda Xalane ee amarka siinaysa.



Tani ayaa imaanaysa kadib markii kooxda Xalane ay isku dayday inay daahiyaan xildhibaano si xora loo soo doortey oo ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Koofur Galbeed iyo Hiiraan oo ay ku jiraan 3 laga soo doortey Koofur Galbeed iyo hal laga soo doortey Hirshabeelle.



”Jaahil Rooble Baahane oo u adeega kooxda Xalane ayaa si qabyaaladeysan iskugu dayay inuu xildhibaano xalaala hor istaago asagoo adeegsanaya oday Siciid Deni ka amar qaata taasina dhici mayso ayuu yiri Cali Calasow.




Waxay ku qasban yihiin ayadoon laga baryayn inay saxaan xildhibaan kasta haddii kale hortooda lagu dhaarin karo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS