Masuuliyiin ka tirsan Awdalstate ayaa kaga dhawaaqay gobolka Awdal in ay dhawaan soo magacaabi doonaan guddi turxaan bixina oo isku soo dhaweeya madaxda Awdalstate ee jiidaha hore kadib markii uu yimi kala aragti duwanaan ku saabsan sida looga mirodhalinayo kacdoonka sida xowliga ah uga curtey deegaanada Awdal.
Kacdoonka reer Adal ayaa salkiisu yahay in dadka reer Awdal cidna ay uga daba fadhiisan ismaamulka deegaankooda, khayraadkooda oo hadda si xawli ah looga gurto buurahooda iyadoo sunta loo tago iyo dib u dhiska deeganadooda si ay u gaaraan una dhaafaan magaalooyinka la mida ee gobolka oo leh madaaro lagu dhisay lacag lagu soo qaaday magaca Somaliland.
Turxaan bixinta masuuliyiinta xoreynta Awdalstate ayaa imanaysa xilli uu halganku marayo meel xasaasiya waxana muuqata in lagu heshiiyay in magaca Awdalstate lagu halgamo iyo arimo kale oo xasaasiya. Shirarka ayaa wali socda waxana la filayaa in ay maanta ilaa beri ay dhamaadaan.
Naga fisha dhawaan in aan idiin soo gudbino magacyada ku jira gudiga khilaafsaarka xoreynta Awdalstate ama ka qaybqaatay dhamaynta khilaafka jirey.
Maxamed Yuusuf wararka Woqooyiga Somaliya
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay