X

Gudiga doorashada maamulka Somaliland oo soo saaray tirada kaadhka codbixinta qaadatey

Gudiga doorashada maamulka Somaliland ayaa soo saaray tirada kaadhka codbixinta qaadatey iyo deegaanka Caynabo oo ka badan Laascaanood halka Gabiley waxyar ka yartahay Boorama.

Tirada guud ee codaynaysa ayaa noqonaysa 704 kun oo qof waxana kuu cad in dad badan laga tagey iyo gobolo si ula kaca loo yareeyay dadkiisa sida Awdal.



Tirada ayaa sidan u qorney

Gobolka Awdal tirada guud waa 102

Gobolka Hargeysa tirada guiud waa 249

Gobolka Togdheer tirada guud waa 147

Gobolka Sool tirada guud waa 63

Gobolka Sanaag tirada guud waa 80



Waxa gudigu sheegeen in 169kun oo hore isku diiwaangeliyay ayna hadda tirada ku jirin lama sheegin waxa looga reebay. Waxana hore loogu qosley tirada ka soo baxdey Awdal iyo Sool iyo tirada deegaanada ay degaan beesha Siilaanyo.




Maamulka Somaliland ayaa sheegta in afar milyan ku noolyihiin deegaanada ay ka taliyaan, waxana la filayay in ugu yaraan 2 milyan codeeyaan. Tiradan guud ayaan xataan hal milyan xataa marka lagu daro tirada is diiwaangelisay laakiin aan qaadan kaadhka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.