X

Somaliya oo lagu garaacay 10 gool ciyaaraha kubadda yar ee ka socda Tunisiya

Somaliya ayaa lagu garaacay 10 gool ciyaaraha kubadda yar ee ka socda Tunisiya. Ciyaarahan koobka aduunka ee ka socda Tunisiya ayaa sii yeelanaya xiiso laakiin rajadii qaranka Somaliya ee tartanka ayaa dhimatay kadib guuldaro lama filaan ah oo soo gaartay.

Xulka Soomaaliya ayaan soo bandhigin kubad la mid ah tii ay kaga hortageen Brazil, waxaana looga badiyay 10-1.

Natiijada ciyaarta ayaa ka dhigan in qaranka Soomaaliya ay uga dhamaatay iney usoo gudbaan wareega xiga, maadaama Brazil ay sidoo kale ka badisay qarankii ay la ciyaareen ee Bosnia.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.