X

Gudiga doorashooyinka Somaliya oo shaaciyay tirada xisbiyada isdiiwaangeliyay ilaa hadda

Gudiga doorashooyinka Somaliya ayaa shaaciyay tirada xisbiyada isdiiwaangeliyay ilaa hadda. Gudigan madaxa banaan ee mudada jirey ay sheegay in xisbiyada isdiiwaangeliyay la siiyay shahaadooyin.

Waxa jira 8 xisbi oo iyagu si rasmi ah isku diiwaangeliyay oo isla markaana la siiyay shahaadada aqoonsiga xisbinimo ayuu yiri wakiil u hadlay gudiga.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabaddaasi , Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.



Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in ay muhiim tahay In xisbiga xaruntiisa dhexe ay noqoto Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay Guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa 2016kii meel mariyay sharciyada axsaabta dalka,waxaana Xisbiyada lagu soo rogay shuruudo uu xisbiga ku noqon karo xisbi la aqbalo.



Gudoomiyaha gudiga Xaliimo Yareey ayaa hore u shaacisay shuruudaha laga rabo xisbiyada oo ay ka mid yihiin in  uu leeyahay dastuur,Gole dhexe,Gole fulin sidoo kalena iska bixiyo lacagta diiwaangelinta oo gaareysa $500 oo doollarka Mareykanka ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


 

admin:

This website uses cookies.