X

Qurbajoogta ka soo jeeda Harawo oo codsi u diraya madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

Qurbajoogta ka soo jeeda Harawo ayaa codsi u diraya madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Waxa muddo sadex bilooda ku xiran magaalada Jigjiga muwaadiniin ganacsadeyaala.

Muwaadiniintan ayaa waxay kale yihiin Maxamuud Aare, Cabdi Maxamuud Qalinle iyo C/llaahi Dumaalka waxana la xiray bishii sagaalaad ee sanadkan. Ilaa hadda lama sheegin sababta ay u xiran yihiin.

Qurbajoogtu waxay ka codsanayaan mudane madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar inuu cafiskiisa ugu deeqo muwaadiniintaas ahna ganacsadayaal dalkooda maalgashadey.

Qurbajoogta ka soo jeeda deegaanada Harawo guud ahaan waxay marwalba taageero la garab taagan yihiin dadaalka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ugu jiro sidii ismaamulka Somalida ula simi lahaa kuwa kale ee Itoobiya dhinacyada biyaha, gaarsiinta korontada, caafimaadka, waxbarahada, beeraha iyo baahiyaha asaasiga ah.

ARAABINEWS





admin:

This website uses cookies.