X

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo xilka qaadis sameeyay

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa xilka qaadis sameeyay. Kiis soo socdey muddo lix bilooda ayaa hadda ku soo dhamaadey in xubin ka mida laga eryo gudiga lagana saaro xubinimada.


Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka Sayid Cali ayaa lagu sameeyay xil ka qaadis. Qoraal ayaa lagu sheegay inuu ku xadgudbey nidaamka u dejisan gudiga inkastoo ayna faahfaahin waxa rasmiga ee uu ku kacay.


Gudiga oo jirey ilaa sanadii 2015 ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee ay eryan xubin ka mida isla markaana xubinimada ka qaadaan. Waxase jirta in gudigan ilaa u shaqayn sidii loogu talogalay.

Gudoomiye ku xigeenka la eryay ayaan ka hadal xilka qaadista iyo eryinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.