X

Muxaadaro uu Sh Kenyaawi ku qaban lahaa Muqdisho oo dad ku dhawaacmey

Muxaadaro uu Sh Kenyaawi ku qaban lahaa Muqdisho ayaa buuq ka dhashay kadib markii goobta loogu talogalay oo yarayd awgeed ay yimaadeen dad aad u farabadan, taasina keentay halis amni daro xili kooxda gaalaynta Muslimiintu jeceshahay goobaha noocana inay qarxiyaan.


Dadka goobta soo xaadiraaya ayaan la baarin taas oo haddana sii kordhisay halista amni ee u imaan karta dadkaas. Maamulka gobolka Banaadir oo arintaas ka duulaya ayaa amrey joojinta muxaadarada.


“Dadweynaha waxaan u sheegaynaa anagoo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheekha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Waxa dhaawac fudud soo gaaray gabdho buuqii iyo fowdadii laysku dul tuntey.


Sheekha ayaa la eegtay maalin Jimce ah oo dadku fadhiyo ayadoo la ogyahay in dadka badankiisu bilaa camal yihiin. Ciidanka ayaa rasaas furey lamana oga cida amartey rasaastaas waxase dhacda in dadku ayna u hogaansamin amarka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.