X

Gudigii aqalka sare ee loo xilsaarey xalinta barlamaanka oo war soo saaray

Gudigii aqalka sare ee loo xilsaarey xalinta barlamaanka ayaa war soo saaray.

Waxa ay sheegeen in ay la kulmeen Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa islamarkaana ay kala hadleen sidii Mooshinka loo marsiin lahaa wadada Saxda ah.



Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayna kala hadleen sidii xarunta Golaha Shacabka ciidamadii haayay dib loogu soo celin lahaa.



Waxa ay u mahadceliyeen Gudoomiye Jawaari oo ay sheegeen in uu aqbalay Mooshinka laga keenay, islamarkaana uu codsaday in la marsiiyo meeshii ku habbooneyd.

Guddiga ayaa sheegay in ay korjoogto ka noqon doonaan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.