X

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xirey ciidan cusub: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xirey ciidan cusub. Madaxweynaha ayaa awoodiisa ugu badan saaray sidii ciidanku u noqon lahaa xooga ugu badan ee la galiyo dakhliga dalka.



Ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammadda, Isticmaalka iyo Farsamadda hubka fudud, Farsmadda Howlgalada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyadda iyo Maxaabiista, xeerar kale.



Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah Alshabaab, islamarkaana dhowaan la qorsheynayo in dhammaan dalka laga sifeeyo.

Intaasi ka dib Madaxweynaha JFS ayaa hortiisa waxa Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ku   dhaarisay dhammaan Ciidammaddii Maanta tababarka loo soo xiray, iyaddoo loo xiray Isteelaha Ciidanka, taasi oo muujineysa in si rasmi ah ay uga mid noqdeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.