November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudiyada barlamaanka oo ka shiraya heshiis ay gaareen maamul jufeedyo iyo Xasan sheikh oo xaaraan lagu tilmaamay

Gudiyada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay ka doodaan, heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ku wajahnaa qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya sanadkan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar, ayaa ka sheegay kulankii shalay in xubnaha baarlamaanku ay isugu yimaadaan xarunta Villa Hargeysa, maanta oo ay taariiqdu ku beegan tahay 17-bisha April.

Xubnaha gudiyada golaha baarlamaanka ayaa la filayaa in kulanka maanta ay ku falanqeeyaan heshiiskii la gaaray, iyo sida ay noqoneyso doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2016-ka

Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sharaxayey qaabka ay noqoneyso doorashada ka dhaceysa dalka, iyadoo baarlamaankuna uu ku biirin doono talooyin hanaanka doorasho ee dalka sanadkan.

Heshiiskan ayaa lagu yasay beelaha qaar iyadoo la hoosgeeyay beelo kale oo ayna ka tirsanayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS