November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyaha ASARDA ee Awdal mudane C/llaahi Xaaji Ciise oo Maraykanka lagu soo dhaweeyay: SAWIRO

Gudoomiyaha ASARDA ee Awdal mudane C/llaahi Xaaji Ciise oo Maraykanka lagu soo dhaweeyay. Jaaliyada Maraykanka oo ka qayb qaata horumarka gobolka ayaa si heersare u qaabiley gudoomiye C/llaahi Xaaji Ciise.
Gudoomiyaha Hay’ada Asarda Cabdilaahi Xaaji Ciise ayaa in Muda ahba waxa Uu Ku sugan Yahay Dalka Maraykanka isaga oo mudada uu joogi doono Qurbajooga Ku dhiiri Galin Doono in ay Kaalin Lixaad Leh ay Ka Qaataan Dhismaha Jidka Borama Iyo Lawyacado Oo Si Rasmiya loo Bilaabay.
Tan iyo Markii Uu Xilka Gudoomiyaha Hay’ada Asarda La wareegay Md Cabdilaahi Xaaji Ciise ayaa waxa ay hay’adu gaadhay guulo la taaban karo oo dhinaca wadooyinka ah iyada oo sidoo kale ay ku amaanan yihiin gudiga fulinta oo ah gudiga gacanta ku haya wadooyin badan oo gobolka Awdal ka mid ah. waxaana la rajaynayaa in ay dhisaan wadada u dhaxaysa Boorama iyo Lowyacado oo noqon doonta mid dhaqaale badan ka soo geli doono gobolka.


 

 C/rashiid Rashka
ARAABINEWS