12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyaha barlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray: SAWIRO

Gudoomiyaha barlamaanka Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.



Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto uu Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.



Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS