November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweeyay gobolkiisa: SAWIRO

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweeyay gobolkiisa oo uu xilka kala wareegi doono gudoomiyihii hore ee Banaadir.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir, madax kala duwan iyo dadweyne fara badan, waxaana loo gelbiyay xarunta madaxtooyada.



Mas’uuliyiinta soo dhoweeyay, waxaa ka mid aha guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan iyo guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Goddoomiyaha cusub ayaa la sheegay in caawa loo sameeyo xaflad soo dhoweyn ah, halka Sabtida soo socota uu xilka kala wareegayo guddoomiyihii hore Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa ku maqnaa dalka Mareykanka, halkaasoo uu ku soo wareejiyay xilkii qunsulka safaaraddda Mareykanka ee uu hore u hayay.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS