Baki–Gudoomiyaha degmada Baki ayaa sheegay in la sii daayo odayada Siilaanyo ka xidhey beesha reer Maxamed (Samaroon) isagoona cadeeyay in arinta lagu dhameeyo wadahadal halka Siilaanyo been u sheegay dadka deegaanka oo intii iyaga la iska horkeenay kadibna macdantoodii la guranayo.
Gudoomiyhu wuxuu sheegay in beeshu codsatay in laga shaqaaleeyo macdan gurida iyo balanqaadyo kale iyo in la sheego khatarta ay leedahay macdanta ay Shiinuhu ka guranayaan deegaankooda halka iyaga loo tagayo sunta. Wuxuuna sheegay in ciidan Shiinaha la shaqeeya laga keenay Hargeysa.
Waxa kale oo uu sheegay in odayada lagu xidhey Boorama kaliya ee ayna jirin kuwo loo gudbiyay Hargeysa. Wuxuuna intaa raaciyay in xalku ku jiro in wadahadal lagu dhameeyo.
Beesha reer Maxamed (Samaroon) oo u cabatay Siilaanyo dhana u mana sheegatay xagna uga hanjabtey ayaan la garanayn talaabada ay qaadi doonto maadaama ay sheegeen in ay sadex ciso haystaan Siilaanyo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay