November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay tirada uu indhihiisa ku soo arkay ee laga diley argagixisada shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo Booqasho ku tagay Degaanka Halgan oo Shalay uu ka dhacay Dagaal Culus oo u dhexeeyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Somaliya iyo argagixisada shabaab ayaa sheegay inuu Indhihiisa Saaray Meydadka 240 ka mid ah argagixisada.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Dagaalkii Halgan Jab loogu geystay caruurtii ay soo qaldeen kana soo ururiyeen hooyooyinkood aan ogeyn loona sheegay in ay JANO ku socdaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Xusay inuu indhaha saaray Meydadka 7 ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee lagu dilay Weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in Dagaalkii Halgan argagixisada looga dilay 240. Isku soo duuboo waa jab aad u xoogan oo shacabka Somaliyed ku farxeen.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS