Gudomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa goor dhowayd digniin xoogan ujeediyay wadaad lagu magacaabo Bashiir Axmed Salaad oo maalin kahor ka digay tartanka kubbada koleyga oo galabta ka furmay magaalada Garowe ee caasimmada Puntland.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Bashiir Axmed Salaad aan waxba laga weydiinayn arrimaha Puntland,maadaama Puntland uusan waxba kala socon,islamarkaana wadaadku doolaalada joojiyo oo ku ekaadomeelaha warkiisa laga maqlo,isagoona uga digay in uu ka hadlo arrimaha Puntland.
Ugu dambayn guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Puntland dowladnimo ka jirto oo aanay la mid ahayn,koonfurta Somalia oo jaantaa-rogan ah,ayna tahay in dowladda looga dambeeyo wixii dalka hawlihiisa ah.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
![G-G-Nugaal[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/G-G-Nugaal1-300x200.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay