X

Gudoomiyaha golaha wakiilada Butlaan oo diidey xilka qaadis la sheegay

Kadib soo jeedin hortaalay golaha wakiilada waxa xilkii laga qaaday afhayeenka golahaas ninka lagu magacaabo Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed. Waxa sidaas sheegay ku xigeenkiisa.


Waxa golaha xaadir ku ahaa 53 xildhibaan waxana ogolaaday 44 xildhibaan in xilka laga qaado. Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in codku xalaal yahay sidaana uu xilka ku waayay.

Gudoomiyaha ayaa soo jeedintu u taalay in muddo ah isagoo lagu eedeeyay inuu meesha ka dhigey meel sidii uu doono ugu takrifalo uuna jabiyay xeer hoosaadyo u yaalay golaha.


Muxuu gudoomiye C/xakiin ka yiri

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo” ayuu yiri afhayeenka oo diidey xilka qaadista.

Waxaa jirey in xalay la qaybiyay lacag aan lala xishoon oo gaaraysa 20,000 kun oo doolar oo xataa ciyaalku ogyihiin ayuu raaciyay


Waxa jirtay khasaare ka dhashay hanaanka loo maray xilka qaadista oo laysku raacay inay qaldanayn. Tirada dhaawaca iyo dhimashada xalay lama sheegin.

Lama garan karo in sheekada uu hoosta ka waday horjooge Siciid Deni oo isaga laftiisa xildhibaano rabeen inay booska ka tuuraan iyo in mucaaradkiisa wadeen. Waxase muuqata in Siciid Deni soo maleegay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.