X

Lacag ay bixiyeen madaxdii hore ee Somaliya oo shiki weyn laga muujiyay

Labada madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa sheegay inay lacag ugu deeqeen dadka waxyeeladu ka soo gaartey fatahaadaha webiga Shabeele ee gobolka Hiiraan.


Hadaba lacagta ay ku deeqeen oo gaaraysa laba boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ($200,000) ayaa su’aalo badan layska weydiiyay. Waxaan hore u ognahay in labada masuul ee hore u fashilmey uuna mishaharkoodu iyo kuwa xisbiga kula jiraba uuna gaarayn intaa iyo in u dhow.


”Xoolahan intaas leeg waxa iska cad inay dhowr meelood ka yimaadeen, waa tahoree inay ka yimaadeen wahaabiyada Carabta ee Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo inay tahay xoolihii ummada ee hore xisaab la’aan meel u dhigteen ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

”Waxaan ognahay in marnaba aan la xisaabin lacagta soo gasha Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo hada samaystey urur jifeysan, taas oo dadka badankoodu ka yaqyaqsoodeen ayuu raaciyay Cali.


Labadan masuul ee hore u fashilmney haday dalka hogaankooda ku soo noqdaana ay dalka iibin doonaan ayaan welli tagin Beledweyne iyo goobaha kale ee fatahaadu ka jirto.

”Uma malaynayo inay iman doonaan waayo dadka goobaha degan ma jirin haba yaraatee waxay ku soo kordhiyeen xilligii ay hogaanka fadhiyeen ayay tiri Xaliimo Warsame oo joogta Beleweyne.


Si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh ayaan welli ka jawaabin su’aalo ku saabsan halka ay ka soo galeen lacago badan oo u yaala Turkiga iyo kaalinta uu ku lahaa iibinta dekedda Berbera.


Dhawaan ayay ahayd markii ay goob la fariisteen Aadan Barre Ducaale oo ah Kiiniyaati huwan jinsiga Somaliga sheegayna in baddeena Kiiniya leedahay, waase nasiib daro in dad sidaasa si qabiilnimo sacab loogu tumo, inta taasi jirto lama helayo ummad dalkeeda daacad u ah.

Warbixibtii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.