Gudoomiyaha hay’ada sirdoonka Muqdisho Sanbalooshe ayaa lagu dhegan yahay iyo sababta oo soo shac baxdey. Sanbalooshe ayaa la magacaabay markii madaxcweyne Farmaajo loo doortey talada dalka.
Sanbalooshe aya isku haysta labo jago mida hadda uu hayo iyo jagada xildhibaanada oo uu ku helay dhinaca beeshiisa. RW Kheyre ayaa qaba in uu baneeyo mid.
Xubnaha ku dhow Kheyre, ayaa sheegay in khilaafkan uu salka ku hayo waqtiga uu xilka haynayo Sanbaloolshe, kadib markii taliyaha nabad-sugidda uu dalab yaab leh hordhigay Kheyre.
Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu doonayo in Kheyre uu u saxiixo, warqad uu ku caddeynayo inuu xilka uu hayn doono afarta sano ee dowladda ay joogeyso, haddii aan sidaas loo sameyna uu is-casili doono.
Sanbaloolshe oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa la doonayaa inuu xilka xildhibaannimo baneeyo, waxa isna uu ku doodayaa in loo damaanad qaado xilka uu NISA ka hayo, si uu xildhibaannimada u baneeyo.
Ma jirto wax uu ku soo kordhiyay jagada uu hadda haysto wuxuuna isku haystaa labo jago.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay