X

Gudoomiyaha Hiiraan o dagaal sifeyn ah diyaar u ah

Kadib dagaal maanta ka dhacay Beledweyne halkaas oo gudoomiyaha ay soo weerareen koox sheegata badbaado ayaa gudomiyuhu wacad ku maray inuu qado dagaal sifeyn ah.


“Aniga 30 daqiiqo kadib ayaan ogaaday in cida ina xabadeyneysa aysan aheyn nabad diidka oo markii hore aan mooday, mana jirin cid aan weeraray ee anago kolanyo ah ayaa weerarka nagula bilaabay waana u mahadcelina cid walbo oo iisoo gurmatay” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in maanta kadib aysan dhici doonin in xaalada Baledweyne sidaan sii ahaato oo rag hubeysan dhinacyada ka joogaan.


“Muddo sanad ka badan ayaan ku nooley catii laa tactii, mana ahan nolol aan ku sii noolaan karno ama dib aan ugu sii jireyno, maanta kadib ma dhici doonto inaan fiirsano qolyaha hubka ku heysta Baledweyne iyo Ceelgaal inta u dhaxeysa, waa in amaanka la xaqiijiya oo anan lagu sii jirin nolosha noocaan halka sano ka badan ku jirnay” ayuu raaciyay guddoomiye Jeyte.



Horjoogaha Hirshabeele ayaa muran xoogan ka taagnaa tegida uu tagayo Beledweyne in muddo ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.