Gudoomiyaha shirkada baraha bulshada ee Tuwiter ninka lagu magacaabo Jaag Doorsi ayaa telfoon u direy Ilhaan Cumar una sheegay sababta ay shirkadiisu uga saari weyday qoraal xagjir Taram uu meel uga dhacay Ilhaan Cumar.
Gudoomiyaha shirkadan ayaa ku calaacalay in qoraalkaasi ayna shirkadu awoodin inay ka saarto bogga xagjir Taram oo hadda uu gaaray meel kasta oo aan la daba qaban Karin.
Gudoomiyahan ayaa la kulmey xagjir Taram usbuucii hore iyadoo la sheegay in Taram uga cawdey tirade ku xiran bogiisa Tuwiterka oo hoos u dhacay. Jaag ayaa xagjir Taram u sheegay in kaliya ay tirtireen magacyo beena oo ku xirnaa.
Xagjir Taram ayaa surtey bogiisa hore ee bartaas baraha bulshada sawirka Ilhaan oo uu ka dambeeyo muuqaalka weerarkii 2001.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inuu kordhey dadka u hanjabaaya intii Taram uu surtey sawirkeeda bogaas.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay