November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciro oo dadweynaha kula tukaday Boorama: SAWIRO

Gudoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciro oo dadweynaha kula tukaday Boorama iyo saf loo soo galay. Dadweynah ku soo xoomay Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqayay soo dhawaw Madaxweynah Mustaqbalka iyo hadalo xamasadaysan oo u badan taageerada ay u hayaan Guddoomiyaha,

Iyaga oo muddo ku dhawaad 15 daqiiqa ah uu dhex lugaynayay bartamaha Suuqa, iyada oo ay hareero socdaan boqalaal dadweynaha ee ku dhaqan Magaalada Boorama ee iskugu soo baxay ciidul fidriga ee ku labisan maryo bilicsan oo ka turjumaya maalinta weyn ee munaasibada ah.

Guddoomiye Cirro ayaa dadweynaha halkaas ku soo dhaweeyay u muujiyay sida kal iyo laab ah ee uu ugu faraxsan yahay soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyaan, taas oo uu sheegay inay ka turjumayso taageerada baaxada leh ee ay bulshada reer Boorama u hayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaasna waxa uu dadweynihii halkaas iskugu soo baxay uu ilahay uga baryay inuu ciida ciideeda ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.
13555936_1198464513511076_1678577631_o[1] 13588870_1198464546844406_1558398599_o[1]13555936_1198464513511076_1678577631_o[1] 13633465_1198464506844410_239572745_o[1]

 Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS